Xildhibaan Dubeys oo Iska Casiley Xubinimadda Xisbiga Himilo

November 14, 2019 (Awdinle Online) – Xildhibaan Axmed Maxamed Axmed Dubeys oo ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacab Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee deegaan doorashadiisu tahay Puntland ayaa Maanta waxaa uu isla Casiley Xubinimadii Xisbiga Himilo Qaran ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Dubeys ayaa waxaa uu bartiisa Facebook kusoo qorey qoraal suu ku cadeeyey inuusan ka mid aheyn wixii xiligan ka dambeeya xisbiga Himilo.

Wuxuuna yiri “Asc waxaan salaamayaa dhamaan shacabka Soomaaliyed guud ahaan gaar ahaandeegaanadda aan ku metelo golaha shacabka soomaaliyeed waxaan cadaynayaa inaan ka baxay xubinimaddii xisbiga himilo qaran isla markaana aan si buuxdda u baneeyey xubintii golaha fulinta xoghayihii warfaafinta iyo xubintii golaha dhexe
waad mahadsantihiin”.

Lama garaanaayo sababta rasmiga ah ee ku kaliftey Xildhibaanka inuu iska casilo xubinimadiisa, hase ahaa wararka qaar ayaa sheegey in xildhibaan Dubeys ayaamahan dambe uu wada hadal qarsoodi ah kula jirey madaxda sare dowladda gaar ahaan madaxtooyadda villa somalia.

 

Warar sugan kala soco awdinle.com