Jubbaland oo Dacwad ka Gudbisay Dowladda Federaalka (Doc’s)

November 15, 2019 (Awdinle Online) – Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa dacwad ka gudbiyey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxayna ku eedeeyeen faragelin toos ah iyo mid dadban oo loo adeegsanaayo Ciidamo Itoobiyaan oo aan AMISOM ka mid aheyn.

Maamulka Jubbaland ayaa warqad toos ah oo ay ku dawoonayaan u qorey Ergeyga gaarka ka ee Wakiilka ka ah Xoghaya guud ee Qaramadda Midoobey Danjire James Swaan.

Jubbaland ayaa ka cabaneysa in ciidamo itoobiyaan ah oo ay adeegsaneyso dowladda federaalka ah ay dhibaato ku hayaan deegaanada Jubbaland gaar ahaa gobalka gedo sida magaalooyinka Luuq Garbahaarey iyo Doolow.

Warqada dacwada ah ee loo qorey Qaramadda Midoobey ayaa waxaa ku saxiixan Wasiiru Dowlaha Madaxtooyadda Jubbaland Hersi Jamaac Gaani, wuxuuna tilmaamey Wasiirku in dowladda federaalka aysan ka fiisaneyn talaabooyinka ay qaadeyno saameynta ay ku yeelaneyso nolashada bulshadda ku nool jubbaland.

Warar Sugan kala soco awdinle.com

Halkan ka Akhriso Warqadda Dacwadda