Kulan Qarsoodi ah oo Dhexmarey Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin

November 15, 2019 (Awdinle Online ) – Sida ay kusoo wararmayaan dad ku dhow dhow Madaxweynihii hore ee Dowladii Ku meel gaarka ah aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu kulan qarsoodi ah dhex maray Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Is aragan oo ahaa mid qorshihiisu uu socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ka dambeeyay markii uu Fahad Yaasiin uu xiriir la sameeyey dad u dhow Sheekh Shariif, kana codsaday in balan booqasho ah looga qabto, si uu u yimaado hoyga sheekhu uu ka degan yahay magaaladda muqdisho, ka dibna waxaa la aqbaley codsigii Fahad.

Imaanshaha Fahad ee guriga sheekh shariif durba waxaa bilowdey kulankan saqdii dhexe wuxuuna qaatay ku dhowaad 40-daqiiqo, waxaana looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, dhacdooyinkii is xigay ee lagu xanibay safarada Madaxweyneyaashii hore ee maalmihii la soo dhaafay dhacay ee sababay in xiisada siyaasadeed ee dalka ay aad u sii xumaato, ka dib hadalkii kululaa ee kasoo yeerey Sheekh Shariif.

Dad kala duwan ayaa sheegaya in laga wada hadlay in la qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed, lana furo wada hadalo ka dhex bilowda dowladda iyo Mucaaradka, codsigaasna uu ka yimid dhanka Fahad Yaasiin iyo in ay is arkaan sheekh shariif Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayeen in Fahad Yaasiin uu u muuqday nin ergo buuxda ka ahaa Madaxweyne Farmaajo, maadaama uu si xoog leh u daneynaayey in Shariifka iyo Farmaajo ay kulan qarsoodi ah yeeshaan lana xalin karo wixii jira oo dhan, waxaa kaloo xusid mudan in kulan labadooda dhex maray aanay cidna ku wehlin waa shariif iyo Fahad, waxaana inta badan dhanka Fahad ka soo baxayay in xaalada la xasiliyo, isla markaana u cadeeyay shaqsi ahaan inuu ka xun yahay waxyaabihii dhacayey uuna wax lug ah kulaheyn isaga qof ahaan, qeybna uusan ka ahaan doonin wixii hada ka dib dhaca.

Kulankan xalay ayaa ku soo aadaya xili maalmihii la soo dhaafay ay jireen hadal heyn kala duwan oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyo iyo abaabulka bannaan baxyo la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaasoo la sheegayo in dowladda ay aad uga walwalsaneyd.