Qeybta 2aad ee Taariikhda Taxanaha Golayaashii Sharci-dejinta ee dalka.

1951kii golihii u horreeyey oo qaab barlamaan u dhisan ayaa laga aasaasay Muqdisho waxaana la dhihi jiray “Consiglio Territoriale” ama “Al-majlis Al-Iqliimi”, Magaca rasmiga ah ee xubnuhu wuxuu ahaa “Consiglieri Territoriali”, sida ku xusan Amarka (Ordinanza) lambar 144 ee 30kii Dishember 1950.

Xubnuhu waxay ku iman jireen hab magacaabid (nomina) ee ma ahayn kuwo doorasho dadweyne toos ah ku yimaada, magacaabiddaasoo uu xeer ku meelmarin jiray Xaakimkii Idaariga Talyaaniga ahaa ee Soomaaliya (Amministratore), soojeedintuse waxaa lahaa qaybaha bulshada ee xubnahaaasi ay matilayeen.

Xubnaha Goluhu “Consiglio Territoriale” waxay ka iman jireen 5 (shan) qaybood oo kala ahaa:
(1) Xubno ka socda Gobollada dalka (Rappresentanza Regionale)
(2) Xubno ka socda Xisbiyo siyasadeed (Rappresentanza politica)
(3) Xubno ka ka socda qaybta dhaqaalaha (Rappresentanza economica)
(4) Xubno ka socda hiddaha iyo dhaqanka (Rappresentanza cultrtale) iyo
(5) Xubno ka socda jaaliyadihii shisheeyaha ahaa ee degganaa dalka (Rappresentanza delle Comunita’ minori).

Muddada xilka Gole kaastaana waxay ahayd hal sano.

Xubnuhu ma ayan lahayn mushaar ama gunno bileed (indennita’ parlamantare mensile). Waxay qaadan jireen gunno fadhi marka ay shir ka soo qayb galaan (gettone di presenza) iyo kharajka uga baxa safarka ilaa Xamar si ay shirarka golaha uga qayb galaan. (Amarka (Ordinanza) lambar 3 rep. ee Febbraio 6, 1951).

Shirarka Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa guddoomin jiray Madaxa Maamulka AFIS, (Amministratore) ee Dawladda Taliyaaniga ama Sarkaal uu asagu wakiishay.

Laba Guddomiye ku xigeenno ayuu Goluhu lahaa waagaas waxayna kala ahaayeen Aden Cabdulle Cusmaan iyo Cabdinuur Maxamad Xuseen oo ka kala tirsanaa Xisbiyadii SYL iyo Hizbiya Dighil iyo Mirifle (HDM). Goluhu wuxuu ku shaqeyn jiray xaruntii hore ee “Comando di Polizia” oo ku tiil meeshii markii dambe laga dhisay daarta “Banca Commerciale”.

Intii uu jiray golihii lagu magacaabi jiray “Consiglio Territoriale”, tirada xubnaha golaha isbeddello ayaa hadba ku dhacayey.

Sanadkii 1951, oo la dhisay golihii u horreeyey, Xubnuhu waxay ahaayeen 35 xubnood oo isugu jiray Somaali iyo ajaanib ka wakiil ah jaaliyadihii shisheeye ee dalka deggenaa oo ay ka mid ahaayeen Carab, Taliyaani, Hindi iyo Pakistan.

Sanadkii 1952, tiradii Xubnaha Golaha oo weli wata isla magicii ahaa “Consiglio Territoriale” waa la kordhiyey waxaana la gaarsiiyey 44 xubnood.

Sanadkii 1953 xubnihii Golaha “Consiglio Territoriale” waxaa la gaarsiiyey 51 xubnood (arag: Amarka/Ordinanza n. 22 rep. del Dicembre 21, 1953) .

Sanadihii 1954 iyo 1955, tiradii xubnaha Golaha is beddel laguma samayn. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 22 rep. ee 21ka Dishember 1953).

Haddaba, 1951 ilaa 1955 waxaa Soomaaliya ka hirgalay shan gole (consigli territoriali) oo mid kastaaba muddadiisu ahayd hal sano oo ilaa xad talo ka dhiiban jiray shuruucda iyo xeerarka cusub ee dalka loo dejin jiray ama ra’yi iyo talo laga weydiiin jiray tallaabooyinka muhiimka ah ee maamulkii AFIS.

Sanadkii 1956 waxaa la qabtay doorashadii siyaasadeed ee ugu horreysey oo dalka ka dhacda. (arag: Amarka/Ordinanza) lambar 6 ee Maarso 1955). Xubnaha Goluhu waxay noqdeen kuwa dadweynuhu soo doortaan oo tartan loo galo. Tirada Golaha waa ay korortay oo waxay gaartey 70 xubnood oo isugu jira lixdan (60) Somaali ah iyo toban (10) shisheeye ah. Xubnaha ka socda Jaaliyadaha shisheeye iyaga si gaar ah u soo xulan jiray wakiilladooda.

Lasoco Qeybta 3aad