Dadka  Beledweyne Oo Guryahoodii Dib Uga Laabanaya

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada Beledweyne Qoysaskii ka barakacay fatahaadii ayaa hadda bilaabay in ay si tartiib tartiib ah u soo guryo nodaan, kaddib markii ay magaalada ka baxeen biyihii ku dhuftay

Laakiin marka laga soo tago khasaaraha nafeed oo ay geysteen daadadkan dhinaca kale waxaa jira saameyn adag oo ay ku yeesheen qaab nolaleedkii guud ee bulshada iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh soo gaaray qaar ka mid ah qoysaskii ku dhaqnaa magaalada oo ay Fatahaadu la tagtay guryihiin ay ku noolaayeen.

Dadka fara-ku tiriska ah ee hadda bilaawday in ay dib u soo guryo noqdaan ayaa dhinaca kale wajahaya xaalada adag oo caafimaad kaddib markii ay dilaacday Kaneeco xad dhaaf ah oo ka dhalatay biyaha iyo wasaqda ay Fatahaadu reebtay kuwaa oo wali dhax ceegaagga qaar ka mid ah xaafaddaha magaaalada.

Waxaa jira digniinno caafimaad loo jeedinayo bulshada reer Beledweyne iyo cudurro ka dilaaci kara magaalada sida Maleeriyada iyo Shuban biyoodka oo gaar ahaan halis ah carruurta oo iyagu u nugul cudurradan.

Qarramada Midoobey ayaa sheegtay in lacag dhan $18.7 Million oo dollar ugu deeqday dadkii ay  Fatahaadu saameysay kuwaa oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.

 

 

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com