Dadka Ku Nool Degaanka Yaaq Bariweyne  Oo Ka Cabanaya Ciidanka Danab

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Dadka ku nool degaanka Yaaq-bariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay cabasho ka yihiin Ciidanka sidda gaarka ah u tababaran ee Saldhigooda uu yahay degaanka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah Odayaasha degaanka  ayaa sheegay in Ciidanka si joogto ah ay howlgal kaga fuliyaan degaanka, islamarkaana ay xir xiraan qaar ka mid ah dadka degaanka ka dibna Saacado badan oo ay heystaan qaarkood soo daayaan.

Odayaasha ayaa xaqiijiyay in Hanti badan ay qaateen Ciidanka Danab,islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka codsanayaan in si deg deg ah wax looga qabto.

Odayaasha degaanka  ayaa sheegeen in ay yihiin dad isugu jira Beeraley, Ganacsato iyo Xoololey, islamarkaana Saraakiisha Ciidanka dowladda aysan ka jawaabin Cabashooda.

Ma jirto Ilo Madax banaan oo xaqiijin kara Cabashadda ay soo gudbiyeen dadka degaanka, waxaana wali noo suurtagalin in aan helno Taliyeyaasha Ciidanka Danab ee Saldhigoodu yahay Balidoogle.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com