(Daawo) Danjire Abukar Baale oo Golaha Amaanka ka Codsanaya in Soomaaliya Cunaqabatenta laga Qaado.

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Golaha amaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhexey ayaa waxaa ay maanta ka shir arin Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa cunaqabateynta saaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Shirkan Golaha amaanka ee tirsigiisu ahaa 8665 ayaa looga hadley qaraarka nambarkiisu yahay 751ee khuseeya Soomaaliya.

Golaha ayaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku eedey inaaney si hufan ula sheqeyn guddiga Qaramadda midoobey ay u xilsaartey la soco xaaladaha Dalka Soomaaliya gaar ahaan hubka sida sharci darada ah loogu dhoofiyo iyo dhibaatooyin kale ee ka socda Soomaaliya.

Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya Qaramadda Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan Baale ayaa si adag ula hadley golaha isagoo wuxuuna sheegey in arintan aan loo dulqaadan karin, Cunaqabateytan saaran Soomaaliyana ay tahay midii igu dheerey abid eel dal la saaro.

Danjire Abuukar baale ayaa u muuqdey nin aad ugu halgamaaya in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran ku dhowaad 30 sano, safiirka ayaa wuxuu si toos ah u sheegey in arinta ay tahay mid cadaaladda ka fog oo lagu lugooynaayo qaranimadda Soomaaliya.

Warar sugan kala soco awdinle.com