Dhageyso :-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir  Oo Ka Hadlay Sababta Uga Baxay Madasha Xisbiyada Qaran

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir  ayaa markii u horeysay ka hadlay sababta aanay uga mid noqon Madasha Xisbiyada Qaran ee todobaadyo ka hor looga dhawaaqay Muqdisho, kuwaasoo hoggaan u doortay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  kaddib markii uu ka qeyb galay dood uu soo qaban qaabiyay Machadka Chatham House ayaa sheegay in markii hore ay soo jeediyeen in Madasha aysan yeelan Hoggaan, balse hoggaan ay yeelato.

 

Waxaa uu sheegay in horay madaladii hore ay aragtidaas ugu soo jeediyeen, kuwa hada ay u jeediyeen, kuwa dambe ay sidaas oo kale ugu soo jeedin doonaan, isagoo xusay inay diyaar u yihiin in Madasha la shaqeeyaan illaa doorasho laga qabanayo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir   C/raxmaan C/shakuur oo wax laga weydiiyay xayiraadii todobaadkii hore la saaray Madaxweynayaashii hore ayuu sheegay inay ficilkaas cambaareynayana, ayna ka soo horjeedaan waxa lagula dhaqmay Madaxdaas hore oo ka mid ahaa wixii iyaga lagu hayay, waxaana wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo oo shalay markii uu tartamayay ay Madaxdaas ogolaayeen inuu xor yahay .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com