Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Puntland Oo Manta Baarlamaanka La Horgeyndono

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalaalase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeelanaya fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

Waxayna codka ansixinta gelinayaan guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomin doona.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com