Guddiga Doorashooyinka Puntland Oo La Ansixiyay

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

Waxayna codka ansixinta geliyeen guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday.

Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalaalase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com