Guddoomiye Cumar Filish “Waddooyinka Muqdisho  Waxay U Xiran Yihiin Dhibaatoyin Amni Oo Jira”

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)  Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ka hadlay xirnaanshaha waddooyinka, isagoo caddeeyay in isaga uusan rabin  in hal maalin waddooyinka ay sii xirnaadaan, balse uusan laheyn go’aanka lagu furayo.

Isagoo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika ayuu sheegay in waddooyinka ay u xiran yihiin dhibaato amni oo jrita, isla markaana madaxda ay leeyihiin go’aankan.

“Waddooyinka waxay u xiran yihiin dhibaato amni oo jirta, go’aankaas waxaa leh Madaxda, madaxda go’aankeeda waxa uu yahay inta la dhammaan lahaa hala dhibtoodo, in la dhammaado iyo in la dhibaato yaa roon”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa markii la doortay waxaa uu balan-qaaday in la furayo jidadka xiran, isagoo u saaray Guddi ka shaqeeya arrintaas, hase ahaatee qorshaha uu Guddoomiyaha damacsanaa inuu ku furo waddooyinka ay ka hor-yimaadeen Hey’addaha amniga iyo Madaxda sare ee dalka.

Waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho markii la xiray ay yaraadeen qaraxyada, hadana waxaa dadka deegaanka ka cabanayaan in xirnaanshaha waddooyinka ay u keeneen ganacsi xumo iyo inuu adkaado isu socodka ganacsiga degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com