Isma-ogid ee aduunka kuma cusbid

Culumada Archaealogy ayaa isku raacday in Somaliya ey leedahay Taariikh dhinaca Cilmiga Archaealogy-ga oo ka fac weyn tan wadama badani ey ku faanaan, laakin Dadkeedu eynanba ka war heyn, taa oo noqona karto mid loo dalxiis tago, Cilmi ahaana loo sii baari karo.

Paolo Grazio ayaa Sannadkii 1935 sameeyay Daraasadii ugu horeysay oo Archaeagical ah oo lagu baaray “Gogoshii Qube iyo Guli Waabayo” oo u dhaw Buur Haybe Gobalka Baay Somaliya ,waxa uuna helay haraa waqtigii “Stone age Iyo waqtigii xigay Stone age”.

waxa uu helay Dharyo ( F.S: 1aad) iyo 100 dhagax oo ah dhagxihii ey ku ugaarsan jireen Dadku intaan la baran isticmaalka Birta. Dhagxahaa 3 dhagax oo ka mid ah waxa ey yiileen Musimkii dalka “ National museum” oo ku burburay Dagaaladii sokeeye laakin laba Dhagax oo ka mid ah ayaa la badbaadiyay lana geeyay Wadanka Mareykanka.

Mar dambe, Sannadkii 1945 ayaa J.D. Clark waxa uu dib u faagy (Gury waabay- Poisonous house of Buur Haybe) ,waxa uu baaray goobta loo yaqaan” Abka Eedden i Oboy Haawo- Abkoow Aden Nabi Aden CS iyo Abooto Xaawo” oo dadka deegaanka qaar ey aaminsanyihiin in ey halkaa ku noolaayeen, iyo marinka hadda loo yaqaan “ Siraad” oo Dadkii halkaa ku noolaa intaan Diinta Islaamku soo gaarin ey aaminsanaayeen in marinkaasi uu tago Jannada. Waxa ey leeyihiin Culumada Seynisku: Somaliya waxaa lagu noolaa illaa waqtigii “Paleolithic period” oo ah muddo laga joogo 3.3 Million Sanno. ( F.S: 2aad)

Mar kale, waxaa dib loo bilaabay Mashruucii ( The Buur Ecological & Archaeological project –BEAP Sannadkii 1983-1989, ee Steven Brabdt iyo kooxdiisii khubaradu ey ka heleen Buur Haybe Qalfoof ( Lafo) Dad oo ku beegan waqtigii “Holocene age” oo ah 11.657 Sanno muddo laga joogo iyo Casrigii “Neolithic period “oo ah waqtigii ey Tuulooyinku Aduunka ka sameeysmeen oo ku beegneyd 10.000 Sanno Dhalshadii Nabi Ciise CS ka hor. waxa uuna ka helay 14 qalfoof Dad oo ah waqtigii Stone age iyo Gogoshiia Qube oo uu ka helay “prehistoric skeleton” lagu aasay halkaa iyo weliba waxaa kale oo uu ka helay Qabuuro leh Dhismooyin Calaamado leh.

waxa uu leeyahay Beni Adamku markii hore waxa ey ahaayeen Ugaarsato kali kali u nool kadibna waxa ey isku bedeleen Bulsho deegaan u gaar ah wada degan oo mideeysan. Cilmi Baaristii Steven Brabdt iyo kooxdiisii ayaa wax badan cadeeynayo ( F.S: 3-29aad)

Sababha Dadkii hore ee Reer Buur Haybe ku noolaa u fududeeyay in ey wadar ku noolaadaan waqtigaa aadka u fog ayaa ah in halkaa laga helo khayraad lagu noolaan karo. waxaa laga helaa Deegaanka Buur Haybe 70 Nuuc oo dhir ah oo la cunni karo,sida ka muuqato daraasad ku qoran Buuga O’Brein 1986 iyo Buugga ( Local wild Fauna around Buur Haybe) waxaa kale oo aad ka heli kartaa “ world Archaealogy Vol.20 ,No1” iyo “Archaeology in Africa pogga 40-54 oo ey wada qoreenTaylor & Francis.

FG: waddamadu waxa ey ku faanaan oo weliba ey ilaashadaan Taariikhdooda, maxaa kuu diiday in tan oo kale aad daraasad ku sameysid, una sheegtid Caalmka, iyagii ayaaba cilmi ahaan u baaray,qaarna kaa sii qaatay. Mise ismaba ogid?

Qore: Yahya Amir