Kaniinka Gaaska Ee Santaag Oo Laga Heley Maadada Khatarta ah Oo Sababta Kansarka

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Cilmi baaris cusub oo ay sameysey Hay’adda ilaalisa cuntada iyo daawooyinka ee mareekanka loona soo gaabiyo ” FDA” ayaa daaha ka rogtay in kaniinka Gaaska ay inta badan u isticmaasho Soomaalida ee loo “Ranitidine” Soomaaliduna ay ugu Yeerto “Santaag” in la ga heley maadada khatarta ah ee sababta kansarka loo yaqaano “N-Nitrosodimethylamine (NDMA)”

 

Hay’adda ayaa hada fartay gudaha mareekanka in dhakhaatiirta iyo bukaanada isticmaala kaniinkan ay soo celiyaan iskana joojiyaan isticmaalkiisa.

Dowladdo badan ayaa iyaguna qaatay go’aankaas ah joojinta isticmaalka kaniinkaas.

 

Fadlan hadii aad adigu isticmaasha ama aad garanayso cid isticmaasha kaniinkan gaaska ee Santaag fadlan uga dig kana jooji ama iska jooji.