Muuse Biixi: “Dowladda Soomaaliya waxay Dhibaato la Damacsantahay Somaliland

November 16, 2019 (Awdinle Online) – Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka digay fara-gelinta Dowladda Federaalka ay ku heyso dowlad Goboleedyada ay la gasho Somaliland.

Muuse Biixi ayaa tusaale u soo qaatay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, Jubaland iyo Puntland waxaana uu xusay in meesha ku xigta ay tahay Somaliland.

Waxaa uu sheegay in dhamaan maamuladaasi lagu soo tababaranayo meesha loo socdana ay Somaliland tahay isaga oo dowladda Federaalka ah ugu baaqay in ay ka waantoowda gardarada noocaas ah.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xusay in Somaliland ay kala taqaabo cadowgeeda Saaxiibkeed islamarkaana dowladda Soomaaliya wixii ay socotaba maanta mareyso deegaan 300KM u jira Somaliland oo uu ula jeedo Puntland.

Waxaa uu ka digay in dowladda Federaalka ah Somaliland ku daydo siyaasadaha ay ku heyso dowlad Goboleedyada ka jira dalka.