Qarax goordhow ka dhacay Magaaladda Muqdisho

November 16, 2019 (AO)-  War hadda nasoo ayaa sheegeya in Magaalada Muqdisho Qarax uu ka dhacay Gudaha Degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa ahaa mid ku xirnaa gaari nooca raaxada ah ayaa ku dhex jiray Garaash ku yaala xaafada Kaawa Godeey ee Degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in jugta Qaraxa laga maqlay Xaafado kale oo ka tirsan degmadaas.

Bulshadda deegaanka ayaa inoo sheegtay in qaraxa uu saameyn ku yeeshay Guri ku deganaa Garaasha uu ku jiray gaariga qarxay, isla markaana uu soo gaaray burbur xoogan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu geystay Khasaaro, In kastoo aan weli la cadeyn inta uu la egyahay, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Gobalka Banaadir.