C/Qaasim Salaad “Waa Laga Haboonaan In Hadal Hanjabaad Ah Ka Soo Yeerto Madaxdii Hore Ee Dalka ”

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadalkii maalmo ka hor ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo xusay in laga haboonaa in ka soo yeero hanjabaad ka dhan ah dowladda Federaalka.

C/qaasim Salaad Xasan ayaa sheegay inuu rajeynayo in gacmaha la si qabsado oo aan la iska hor imaan, isagoo ku baaqay in dadlka wax loo taro, balse aan laga shaqeyn in dalka la burburiyo.

“Madaxweyne hore oo xilka ka degay inuu sidaa u hadlo ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda qalad gasho Baarlamaan ayaa jooga, iyaga laga rabaa inay la xisaabtamaan”ayuu yiri C/qaasir Salaad Xasan.

Cabdiqaasim Salaad mar uu ka hadlay dagaalka ay ciidamada dowladdu kula jiraan Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri, “Had iyo jeer waxaan aragnaa ciidanka dowladda oo dagaal kula jira Shabaab, waxayna Al-Shabaab faa’iido ugu jirtaa inay Ilaahey ka baqaan ay iska daayaan dadka ay baabi’inayaan iyo waxa ay qarxinayaan, dhow goor ayaan fariinteyda u diray Shabaab xaqdaro ayey dadka ku leynayaan, hadda waxaan leeyahay qofkii qof dila isagoo xaqdarro ku dilaya waxa uu la mid yahay isaga oo dadka dhan dilay, ha akhristeen Qur’aanka”.

C/qaasim ayaa sheegay in loo baahan yahay in cid kasta oo la doorto lala shaqeeyo waqtiga ay joogeyso, gacan la siiyo, isla markaana wixii qalad ay gashana loo sheego, hala la taliyo ayuu yiri C/qaasim.

Hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ee uu uga dhaartay dowladda Federaalka, kaddib markii lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan ay dadka uga hadleen, iyadoo war ka soo baxay dowladda Federaalka loogu baaqay Shariifka inuu sharciga ilaaliyo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com