Ciidamada Ku Sugan Ceeldheere Iyo Guriceel  Oo Digniin Loo Diray

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif )  Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo mudooyinkii dambe kusugnaa deegaannada galmudug ayaa waxaa uu booqday Saldhigyada Cidiamada booliiska ee  Guriceel iyo Ceeldheere ee gobalka galgaduud halkaas oo dhawaan ay Ciidanka kala wareegeen kuwii ahlusunna .

Taliyaha ayaa markii uu tagay saldhigyadaasi waxa uu warbixino kadhagaystay saraakiisha xukunta Ciidamada booliska ee kusugan saldhigyaadaasi,waxaana ay kawarbixiyeen inta ay joogaan howlaha ay qabteen.

Janeraal  Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif ) oo la hadlayay Saraakiisha iyo Ciidamada kusugan labada saldhig ayaa waxa uu kusii dhiira galiyay in shaqooyinka loo igmaday ay siwanaagsan u sii wadaan xuquuqdoodana ay sida ugu fudud kuli doonaan.

Taliyaha ayaa waxa uu ku amray ciidankaasi in ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka ay u adeegayaan shaqadii loo igmadayna ay siwanaagsan uga soobaxaan cidii aan siwanaagsan u shaqaynin  ayuu tilmaamay in aysan Ciidanka kasii mid ahaan doonin  .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com