Dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya Oo laga Dalbatay Hirgelinta Heshiiskii Nairobi

November 17, 2019 (Awdinle Online) –War safaaxadeed ay wadajir u soo saareen Dowladaha xubnaha ka ah beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayey kaga hadleen heshiiskii dhawaan Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxwenayaasha Soomaaliya iyo Kenya.

War saxaafadeedka ayaa marka hore lagu bogaadiyay heshiiskii 14kii November ay labada madaxweyne ku kala saxiixdeen Magaalada Nairobi.

Sidoo kale Beesha Caalamka waxaa ay bogaadisay dadaallada shaqsiga ah ee ay sameeyeen labada Madaxweyne islamarkaana lagu doonayo in xal looga gaaro muranka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in labada ay si dhaqsi ah u fuliyaan qodobadii ku xusnaa heshiiskii Nairobi ee 14kii Bishan.

Waxaa ay sheegeen in labada dal ee deriska ah ay dan ugu jirto in ay heshiiyaan islamarkaana wada shaqeyn wanaagsan dhexmarto.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com