Maamulka Puntland Oo Xaqiijiyay In Al-shabab La Wareegtay Degmada Yubbe  Ee Gobolka Sanaag

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ay qabsadeen degaan lagu magacaabo Gacan-maroodi oo ka tirsan Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa qiray in xubno ka mid ah Al-shabaab qabsadeen degaankaasi islamarkaana ay dhufeysyo ka qoteen Magaalada.

Taliyaha qeybta 9aad ee Ciidanka Puntland Cabdullahi Cumar Canshuur ayaa sheegay in Ciidanka Al-shabaab ee meesha qabsaday ay gaarayaan ilaa 70 qof.

Waxaa uu sidoo kale eedeyn u jeediyay Maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay la shaqeeyaan Al-shabaab iskana warqabaan.

Ciidanka Somaliland ayaa Ciidamada Puntland kala wareegay Degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag iyada oo qabsashada Al-shabaab ee gacan Maroodi ay culeys kale ku tahay dadka degaanka sida ay sheegeen.

Taliye Cabdullahi ayaa ku goodiyay in Ciidamada Puntland ay weerar ku qaadi doonaan Al-shabaabka qabsaday Gacan-Maroodi iyo Ciidamada Somaliland ee iyana horay u qabsaday degmada Yubbe.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com