Maxamuud Sayid Aadan oo Ceelwaaq kula kulmay Saraakiil Ciidan:- (Sawiro)

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maalmahaan safari kala duwan ku maraya degmooyin katirsan gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa uu kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta jubbaland & kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee Gobolkaasi Gedo.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq,waxaana kulanka looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in saraakiisha Ciidamada iyo Bulshada looga baahan yahay inay ka wada Shaqeeyaan sugida Amniga.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Maamulka degmada iyo Odayaasha Dhaqanka degmooyin katirsan Gobolka Gedo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com