Mid Ka Mid Ah Dalalka Khaliijka Oo Ka Dalbaday Caalamka Inaan Lagu Xadgudbin Madax Banaanida Soomaaliya

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Nawaf Al-Ahmad, oo ah la taliyaha wafdiga Kuwait ee golaha ammaanka Qaramada Midoobay ayaa si aad ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarada ay sameysay, isagoona ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka inay muujiyaan midnimo, wax welibana ay ku dhameeyaan wadahadal.

Nawaf Al-Ahmad  ayaa sheegay in guulo wax ka ool ah ay gaartay Soomaaliya, islamarkaana loo baahan yahay in la taageero, si looga mira dhaliyo dadaalada xoogan ee hadda socda.

Sidoo kale Mr Nawaf ayaa ka dalbaday xubnaha dalalka beesha caalamka in aysan ku xadgudnin madaxbanaanida dhuleed iyo mida siyaasadeed ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inay muhiim tahay in laga taageero xasilinta guud ahaan Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inuu soo dhoweynayo muddo kordhinta lagu sameeyey cunaqabteynta hubka ee saaran Soomaaliya oo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay markale ku dareen muddo hal sano ah.

dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay haatan la daala dhaceyso dhibaatooyin kala duwan oo qaarkood ay ku hayaan dowlado shisheeye .

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com