Wafdi Ka Socda Dowladda Oo Gaaray Degmada Awdheegle:- (Sawiro)

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Wasiirka wasaarada gaadhaandhiya xukuumada Soomaaliya. iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Awdheegle ee gobolka shabeelha hoose.

Wafdiga wasiirka  waxaa ka qeyb ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka xukuumada  .  federaal  Soomaaliya  taliye xigeenka ciidanka xooga dalka iyo Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose Ibrahim Adan Ali Najah .

 

Wafdiga ayaa si weyn waxaa degmada Awdheegle ugu soo dhaweeyay maamulka iyo shacabka degmada .

muhiimada booqashada ay wafdigaasi ku tageen Awdheegle ayaa ah in dib u dhis lagu sameeyo xarumo caafimaad, xeryo ciidan oo waaweyn, xarumo waxbrasho iyo saldhiga taliska Booliska Soomaaliyeed.

 

Gudoomiye Najah ayaa aad loogu amaanay horumarinta uu durba ku bilaabay degmooyinka iyo deegaanada dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab oo uu ka hir galinayo mashaariic horumarineed.

Bulshada gobolka Sh/hoose gaar ahaan reer  Awdheegle oo ka faaideysan doona mashaariicdan lagu dhisayo xarumaha muhiimka ah ee degmada Awdheegle .

Al-shabab ayaa dhawaan laga saaray degmada waana degmo laf dhabar u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha u kala gooshaya gobolka Shabeelha hoose.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com