Xalada Degmada  Diinsoor Oo Manta Cakiran

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa ka soo cusboonaaday Khilaaf dhanka maamulka kadib markii guddoomiyihii magaaladaas uu ka soo hor jeestay xil ka qaadis lagu sameeyay.

Magaalada ayaa waxaa saakay ka taagan xiisad dagaal ka dib markii ciidamo ka amar qaata guddomiyihii xilka laga qaaday iyo ciidamo ka kala tirsan xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ay is rasaaseyn kooban ku dhex martay gudaha magaalada Diinsoor.

Guddomiyaha ka soo hor jeestay xil ka qaadista lagu sameeyay ee horay u maamulayay degmada Diinsoor ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Maxamed Nuur Shikshigow, halka guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay degmadaas lagu magacaabo Cabdinaasir Siidow Maxamed

Xiriirro aan la samaynay dadka ku nool Diinsoor waxa ay noo sheegeen in wali la isku hor fadhiyo gudaha magaalada cabsi badana ay qabaan, is rasaaseyn kooban oo saakay dhacdana ay ku dhaawacmeen dhowr ruux oo shacab ah.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com