Xubno Ka Mid Ah Maamulka Beledxaawo Oo Isu Dhiibay Al-shabab

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa baahiyay magacyada iyo xilalka ay hayaan mas’uuliyiinta ay sheegeen in ay isu dhiibeen AL-shabaab ee ka tirsanaa Maamulka Beledxaawo.

Al-shabaab ayaa sheegay in ay isu dhiibeen xubno ka mid ah Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

 

Dadka ay sheegeen in ay isu dhiibeen Al-shabaab ayaa waxaa ay dhamaantood yihiin Guddoomiyayaal xaafadeed oo ka tirsan Beledxaawo waxaana ka mid ah sida ay hadalka u dhigeen;

Xuseen Jibriil Ibraahim wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafaadda 8aad ee Beled xaawo

Xuseen Sahal Aadan wuxuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xaafadda7aad ee Beled xaawo

Cabdiwali Iftiin Barroow wuxuu ahaa guddoomiyaha Xaafadda 7aad ee magaalada Beled Xaawo.

 

Maxamed khaliif xasan guddoomiyaha xaafadda 8aad ee magaalada Beled Xaawo.

Maamulka Degmada Beledxaawo wali ma xaqiijin arrintan mana beenin, hayeeshee AL-shabaab ayaa sheegay in dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay ay isu dhiibeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com