Xubno Ka Tirsan Xisbiga Wadani Oo La Xiray

November 17, 2019 (Awdinle Online) – Xukuumada Somaliland ay caawa ciidamo badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ciidamadaas goor dhaw xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan Xisbigaas.

Xog-hayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabd iyo Afhayeenka Barkhad Jamac Batun ayey ciidamada Somaliland caawa xabsiga dhigeen, kadib ciidamo tiro badan oo caawa hareerayay xarunta xisbiga Waddani, waxayna talaabooyinkaan xukuumaddu uga hortagaysaa banaan bax ka dhan ah oo berri ka dhici lahaa xarunta Xisbiga.

Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyey xarigga loo geystay labadaas masuul waxuuna ku yiri qoraalkiisa, “Xoghayhii guud ee Xisbiga WADANI Khadar Abdi oo hadda Xabsiga loo taxaabay, Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jamac Batun oo saacad ka hor isna la qafaashay. Aadbaanu u canbaaraynaynaa, waxaanay muujinaysaa kelitalisnimo, jujuub laguma baajin karo dareenka shacabka.”

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay Banaanbaxa ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi oo uu ku baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.

Taliyaha Booliska ayaa si weyn uga horyimid banaanbaxaasi, isagoona sheegay in aanay aqbali doonin inuu berri ka dhaco banaanbax xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu yiri “Anigoo daba socda hadalkii uu maanta uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu ku baaqayey in ummadda reer Somaliland ay isugu yimaadaan meel goob ah, waxaan sheegay in aanu sharciga ku adkaan doono hadii alle yidhaahdo.

“Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com