Dagaal Kooban Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

November 18, 2019 (Awdinle Online) – Xaafad katirsan degmada Hiliwaa ee Gobolka banaadir waxaa ku  Dagaalamay  ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya oo kala ah boolis iyo Millateri waxaana  geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah u dhex-maray Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada Hiliwaa iyo kuwa millateri ah,waxaana dagaalkooda la sheegay in uu salka ku haayo arrimo la xiriira isqab qabsi dhul.

Wararka ayaa sheegeen in dagaalka oo ka dhacay Xaafada Bunbacoole ee degmada Hiliwaa uu sababay dhimashada laba askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga, iyada oo uu ku dhaawacmay taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hiliwaa oo lagu Magacaabo Cali Culusow.

Goobta ay Ciidamada ku dagaalameen ay takeen saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda,isla markaana ay kala dhex-galeen,.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com