Dhageyso :-Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Khamri Badan Iyo Dadkii Watay

November 18, 2019 (Awdinle Online) – Taliska Qeybta Booliiska gobolka Mudug, ayaa saaka degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo khamriya iyo saddex nin oo doonayey in ay soo galiyaan gudaha Puntland.

Khamrigaan oo laga keenay gudaha waddanka Ethiopia ayaa lagu soo qaaday laba gaari oo nooca loo yaqaan Mark 2-ga, waxaana kastamka Tuurdibi ku qabtay ciidanka Booliiska Puntland ee halkaasi ku sugan.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug, G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in khamriga laga soo raray degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana la rabay in la geeyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com