Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo qaabilay Xubno uu ku jiro Sheekh Umal

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Mohammed Cabdi Waare oo uu wehliyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaas Cali Gudlaawe Xusseen ayaa xalay  Munaasabad Casho Sharaf ah ugu sameeyay Magaalada Baladweyne  wafuud  ka kala socday Puntland Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya iyo wafdi ka Socday Bulshada iyo Ganacsatada Magaalada Nairobi oo uu hormuud u ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Xubnahaan oo intooda badan ah kuwa si iskood ah isugu xilqaamay u gurmashada dadka Reer Baladweyne oo uu saameeyey fahahaada Wabiga Shabeelle ayaa waxaa la filayaa in dadka u qeybiyaan deeqaha ay ugu talo galeen.

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa uga mahad celiyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo dadka deeqaha soo gaarsiiyey sida ay ugu soo gurmadeen,isaga oo sheegay in deeqaha sidii loogu talo galay loo gaarsiin doono.