MAXAA LOOGA HADLAY KULANKII MANTA GOLAHA SHACABKA:- (Sawiro)

November 18, 2019 (Awdinle Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa Maanta Yeeshay Kulankii 9aad ee kalfadhiga 6aad.

Kulanka Maanta oo uu shir-gudoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1-aad Ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudeey iyo Guddoomiye Kugigeenka 2aad Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa Ajandahiisu ahaa

Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Daawad & Aasaaska Hay’ad Daawada iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Naqshadeynta Magaalooyinka.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Xildhibaan Maxamed Saciid ayaa Golaha Ka hor-Akhriyay Hindise Sharciyeedka Daawad & Aasaaska Hay’adda Daawada.

 

Intaasi ka dib Xildhibaanada Golaha Ayaa ka hadlay Muhiimada uu leeyahay Sharciga Daawad & Aasaaska Hay’adda Daawada.

Ugu Danbayntii Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdi wali Ibraahim Sheikh Mudeey ayaa kulanka soo xiray.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com