Shariif Xasan oo $100,000 Doolar ugu Deeqey Fatahaadii Degmadda Bardaale

November 18, 2019 (AO) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeen Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Fatahaadda ka Dhacdey Degmadda Bardaale ee gobalka Baay ugu deeqey Kharash dhan $100,000 oo Doolar.

Arinta deeq ah ayaa la sheegey in Shariif Xasan uu soi mariyey guddi uu ku kasoon yahay si ay u gaarsiiyaan dad saameyn balaaran uu ay yeelatey fatahaadda Degmadda Bardaale

“Koonfur galbeed dhibka allah ka qaado, Waxaan aad uga xumahay arintan musiibadda ah ee reer Bardaale ku dhacdey, waxaana waajib igu ah inaan si buuxda u gacan uga geysto wixii karaankeyga ah ayuu yiri shariifka”

Fataahadda Bardaale ayaa aheyd daad ay sababeen roobab mudo maalmo ah ah ka da’ayey Gobalka Baay.