Taliyihii Nabadsugidda Puntland oo Toogasho lagu diley

November 18, 2019 (AO) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo Caawa gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dilay taliyihii nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi  ku dilay Xaafad ka tiraan Gaalkacyo, isagoona  u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Kooxdii geysatey dilka Marxuumka ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa goobta uu falka ka dhacay tegay Ciidamo ka tirsan Puntland oo halkaas kasoo qaaday Meydka Marxuumka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Caawa howlgalo ay ka socdaan Xaafado ka tirsan Magaalada Gaalkacyo dhinaca Puntland, kuwaasi oo lagu raadinayo fuliyay dilkii halkaas ka dhacay.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada falka lagu dilay taliyihii nabadsugida iyo Sirdoonka Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland.