Xariga Suxufiyiinta Iyo Mucaaradka Loo Gaystay Ayaa Cambaaraysay Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland

November 18, 2019 (Awdinle Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo suxufiyiinta Somaliland  ayaalaga xiraumagalada hargaysa Xarunta Xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa cambaaraysay xadhig .

Qorala kasoo baxay xarunta ayaa lagu sheegay in booliiska ay habeenkii 17 November 2019, xidheen laba hogaamiye oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo kala ah Khadar Xuseen Cabdi oo ah xogahayaha guud iyo Barkhad Jaamac Batuun, af-hayeenkii xisbiga, ayaa la xidhay.

Xarunta Xuquuqal Insaank Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in booliiska ay maanta xidheen xaruntii guud ee Telefiishanka Horn Cable, islamarkaana ay xabsiga dhigeen tafitarihii telefiishanka Cabdiqaadir Cusmaan (Coday).

Xarigyadaas ayay xarunta ku sheegtay inay yihiin kuwa ka hor-imanaya dastuurka Somaliland.

“Qodobka 32aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegyaaa in ‘muwaadin kasta waxa uu xor u yahay in uu ra’yigiisa ku bandhigo qoraal, hadal, muuqaal, suugaan ama qaab kale oo xeerka waafaqsan.’” Ayaa lagu yiri qoraal kazoo baxay xarunta.

“Dastuurku wuxuu damaanad qaaday xorriyadda war-baahinta isaga oo sheegay in ‘saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee ra’yi- dhiibashada, waxayna leeyihiin madax-bannaanidooda; way reebban tahay tallaabo kasta oo Iagu cabudhinayo.’” Ayey tiri xarunta.

Xarunta ayaa sheegtay in “Talaabadan aan hore loo arag ee ay dawladdu qaaday” ay tahay mid walaac leh, waxayna ugu baaqday dawladda inay ixtiraamto dastuurka oo ay sii dayso siyaasiyiinta iyo suxufiga ay xidhay.

Yasmin Omar H Mohamoud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com