Askar  Ku Sugneyd Saldhig Ciidan  Oo Laayay

November 19, 2019 (Awdinle Online) – Weerarkan ayaan dhacay  xilli habeen ah waxaana lagu dilay  Ugu yaraan sideed askari oo u dhashay dalka Burundi  weerarka ayaa ka dhacay kayme u dhow xuduudda dalka Rwanda, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

 

Tobaneeyo askari oo kale ayaa lagu la’yahay weerarkan oo ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee asiiba ciidamada Burundi, sida ay sheegeen saraakiil militari.

“Koox ku hubeysan qoryo oo ka yimid Rwanda ayaa soo weeraray saldhigga ciidamada Burundi ee Mount Twinyoni,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Major Emmanuel Gahongano, oo ka hadlay taleefishinka dowladda.

 

Burundi ayaa marar badan ku eedeysay dalka ay deriska yihiin ee Rwanda inuu taageero koox mucaarad ah oo dalkaas ka jirta, eedeymahaas oo Kigali ay beenisay.

Axaddii lasoo dhaafay ayuu dhacay weerarka wxuuna ka dhacay   kayme 100km u jira magaalada caasimada ah ee Bujumbura, islamarkaana 10 km ka baxsan xuduudda Rwanda.

 

 

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com