Beesha Caalamka Oo Codsi U Dirtay Dowladda Somaliya

November 19, 2019 (Awdinle Online) – Warar lagu kalsoonaan karo  ayaa  sheegay in Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ay dowladda Soomaaliya ka dalbatay inay goobjoog oo kaliya ka noqoto doorashada ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb ee maamulka Galmudug.

Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in beesha caalamku ay balan qaaday inay bixin doonaan dhaqaalaha ku baxaya doorashada maamulka Galmudug.

Xubnaha beesha caalamka ee ka hadlay arintaan ayaa dowladda federaalka ka codsaday in doorashada Galmudug aysan noqon tu la mid ah kuwii horay uga dhacay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, sida ay  sheegeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

 

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa ay ku baaqeen in si cadaalad ah ay u dhacdo doorashada Galmudug, isla markaana si xor ah ay aragtidooda u dhiibtaan xubnaha musharixiinta ee u tartamaya xilka madaxtinimada ee maamulka Galmudug.

 

Dhanka kale, waxay balanqaadeen in iyagu ay bixin doonan wax kasta oo dhaqaale ah oo ku baxaya doorashadda.

Doorashadda Galmudug ayaa ah mid aad isha loogu hayo isla markaana daneynayaan mucaaradka iyo Xukuumadda.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com