Dagaalama yaasha Al-Shabaab oo Haweeynaydii  u dhalatay dalka  Talyaaniga u soo wareejiyay Koonfur Galbeed somaliya

This photo shows Italian volunteer Silvia Costanza Romano, left, with local resident Ronald Kazungu Ngala, 19, in August 2018 in the village of Chakama, in coastal Kilifi county, Kenya. Around eight gunmen kidnapped Silvia Costanza Romano late Tuesday, Nov. 20, 2018 and wounded several people, including three children, Kenyan police said Wednesday. (ANSA/AP Photo) [CopyrightNotice: Copyright 2018 The Associated Press. All rights reserved.]

November 19, 2019 (Awdinle Online) – Saxaafada ka howlgasha dalka Talyaaniga ayaa shaacisay xog cusub oo la xariirta Silvia Romano oo u dhalatay dalkaasi, taas oo sanadkii hore kooxda Al-Shabaab ay ka soo afduubatay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Silvia oo 24 jir ah, islamarkaana ka shaqeyneysay arrimaha Bani’aadanimada ayaa warbaahintu warisay in loo soo wareejiyey dhinaca koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan  Koonfur Galbeed somaliya , halkaas oo ay ku hayaan xooggaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay warbaahinta maxaliga ah sheegtay in haweeneydaasi oo muddo gacanka ugu jirta Al-Shabaab sabab amni looga soo weeciyey gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Talyaaniga oo markale ka hadashay afduubka haweeneydan ayaa tilmaamtay inay ku dadaali doono sidii ay u soo furan laheyd, waxaana ay ka dalbatay dowladaha saaxibada la ah ee ku xoogan Geeska Afrika inay taageero ku siiyaan tallaabadaasi.

dowladda Talyaaniga ayaa  beenisay inay bixin doonto lacag madax furasho ah oo la siiyo Al-Shabaab, basle waxa ay sheegtay inay qaadi doonto howlgal Milatari.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka ka qeyb qaata dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo kooban ay ka joogaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com