Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka oo Caawa Shir ku leh Muqdisho

November 19, (AO) – Magaaladda Muqdisho Waxaa Caawa xiligan shir uga socdaa xubno sar sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee Dalka, iyadoo shirkan uu yahay mid loogu gogol xaarayo kulan gaar ah oo la filayo inuu maalinta Arbacada Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho ku dhexmari doono Madaxda Madasha Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Warar lagu kasloon yahay ayaa sheegeya in shirka caawa looga hadlayo diyaarinta Qodobadda shirka Arbacada ay yeelan doonaan Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Dhinacyadan ka kala Socda Dowladda iyo Mucaaradka ayaa u muuqanaya kuwo abuuraya jawi xasiloon dhalin kara, sababi karana isu soo dhowaansho siyaasadeed, is faham laga gaaro arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo Dejinta xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xayiraadihii kol hore la saaray Madaxda Madasha ee u socodaali lahaa jubbaland iyo Hir-shabeee.

Dalabka isku soo dhowaanasha ayaa waxaa uu yimid ka dib markii uu Madaxweyne Farmaajo si ergo ah usoo dirsadey Agaasimaha Hay’adda Nabadsugada Fahad Yaasiin oo Madasha Xisbiyadda ka Codsadey in Xaaladda la Qaboojiyo.

War sugan kala soco awdinle.com