Gabdho Wariyaal ah oo Tababar uga Furmay Magaalada baydhabo:- (Sawiro)

November 19, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada baydhabo ee Xaruunta Gobalka bay ayaa Maanta waxaa tababar uga furmay Wariyaal gaaraya 15 gabdhood  kuwaas oo ka howlgala Warbaahinada kala duwan ee dalka .

Tababarkaan oo socon doona mudo labo maalin ah ayaa waxaa qabanaaya Media Women Network iyo IMS & FOJO . waxaana lagu baran doonaa xirfada  hogaamineed .

 

Furitaanka Tababarka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socday Ururka Suxufiyiinta FESOJ , Agaasimaha wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Konfur Galbeed Somaliya

 

Gadoomiye ku xigeenka Ururka Suxufiyiinta  Soomaaliyeed ee FESOJ muxuddin  xasan xusni  ayaa sheegay inay ka go,an tahay Tababarida iyo sare uqaasita Aqoonta Wariyaasha Soomaaliyeed  gaar ahaan haweenka wariyasha .

 

Agaasimaha guud ee  wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-galinta Bulshada Konfur Galbeed Somaliya   Kheyre Ali Isaaq ayaa daahfurey tababarka ka qabgalyasha ayaa ugu baaqay in xirfadii ay barteen uga faaideeyan kuwa an ka qayb galin tababarkan

 

Gabdhaha Wariyaash Soomaaliyeed ee ku nool Dalka kana shaqeeya warbaahinta  Soomaaliyeed ayaa ah kuwo u taagan u adeegista Dalka iyo sidii ay warar saxan u gaarsiin la haayeen bulshada Soomaaliyeed inkastoo ay dhibaatooyin la kulmaan mararka qaar .

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com