Hadal heynta Caawa ee Muqdisho Shirka Berri Madasha Xisbiyada Qaran & Farmaajo

November 19, 2019 (Awdinle Online) –Hadal hayey Caawa magalada  Muqdisho Waxaay tahay Shirka Berri yeelanayaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Dalka Mudane Farmaajo.

Inkastoo waxa kasoo bixi doona aan si hrodhac ah loo ogaan Karin hadana yadadiilo wanaagsan ayaa la qabaa in is afgarad dhaco.

Villa Soomaaliya ayaa dhageysan doonta wax tabashada ay Qabaan Mucaaradka,waxayna ubadan tahay in raali gelin laga siiyo Shariifka is hortaagii lagu sameeyey Bishii September xilligaas oo Kismaayo kusii jeeday.

 

Nux nuxda hoose ee la helayo ayaa ah In Madasha Mucaaradka ay diyaarsadeen Qodobo dhowr ah ay Dawlada inay ku xad gudubtay sharciga Dalka u arkeen.

Waxay kala hadli doonaan Madaxweyne Farmaajo inuu Cadeeyo Mowqifkooda Doorashada soo socota iyo nuuca ay noqoneyso.

 

Xanibaada Shacabka Muqdisho,xaqa Gobolka Banaadir iyo Arimaha Siyaasada in hal dhinac loo wajaho si looga gudbo is mari waaga laga yaabo in Cadowga kusoo dhex dhuuntaan.

Guux siyaasadeed ayaa jira Caawa oo Magaalada laga dareemayo ka hor kulanka Arbacada berri dhacaya Ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madasha Xisbiyada Leeyihiin.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com