November 19, 2019 (Awdinle Online) – Ibraahim Maxamed Nuur Shik-Shigow Guddoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa isku dhiibay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .
Shalay ayay ahayd ka dib markii uu la dagaalamay ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .iyo kuwa Itooobiya eek u sugan degmadas .
Waxgaradka degmada ayaa xaliyay khilaafkii dhinac maamulka ee ka taagnaa degmadaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen odayasha .
ciidamadii uu watay Guddoomiyaha ayaa isku dhiibay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed , isagoona ugu dambeyn aqbalay inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub loo soo magacaabay .
Dagaal shalay ka dhacay degmada Diinsoor, ayaa ku dhintay illaa 5 qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah.
Saacadaha soo socdo ayaa lafilayaa in la qabto munaasabadda xil wareejinta maamulka cusub ee degmada
Mudooyinkii la soo dhaafay xaalada degmada Diinsoor ee gobal bay ayay aheyd mid kacsan
Saaka xaalada degmada ayaa ah mid degen .
Warar Sugan Kala Soco Awdinle.com