Xisbi weynihii dowladda dhexe oo dhawan lagu dhawaaqi doono

November 19, 2019 (Awdinle Online) – Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya ayaa Manta waxa uu ka hadlay doorashada la filayo inay ka dhacdo soomaaliya doorka dhalinyarada iyo diyaar garoowga loogu jiro.

Waxaa uu sheegay in Dhalinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iska iloobaan wixii horay u dhacay laakin ay ka fikiraan waxa soo socda ee doorashooyinka iyo Mustaqbka Soomalaiya.

Isaga oo ku hadlayay Magaca Xukuumadda Soomaliya ayuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay qabsoomida doorasho loo dhan yahay taas oo dalka ka dhacdo Sanadka 2019.

“Waa in dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fikiraan maxaa soo socda sidee doorweyn ay uga qaadan karaan doorashooyinka soo socda oo aad u soo saari kartaan qof dhalinyaro ah,dowladda Somalia waxaa ay diyaar u tahay qabashada dooorashada ayuu yiri”RW Kuxigeenka dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed AYAA Ugu dambeyn sheegay in wadanka ay xilligaan ka jiraan Xisbiyo badan sidaasi daraadeedna uu soo socdo Xisbiga weyn oo ay ku midoobayaan Madaxda ugu sareysa dowladda fedetaalka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com