Amnesty International  Oo Xaqiijisay In La Dilay Dibad-Baxayaal

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Amnesty International Haya’dda xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Iran ay dileen ugu yaraan 106 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka socday dalkaas tan iyo jimcihii tagay oo ka dhan ah dowladda.

Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor.

Amnesty  ayaa xaqiijisay in ciidamada Iran ay dileen toddoba dibad-baxayaal ah, sabtidi la soo dhaafay .

 

Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dibad-baxyada lagu dilay dhowr qof, oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Dibad-baxyada oo billowday Jimcihii ayaa kusii fidaya dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah.

Iran ma aysan sii deyn warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay kuwa ku dhaawcamay dibad-baxyada, iyo sidoo kale tirada dadka la xiray.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com