Ciidamadda Dowladda Federaalka oo ku Dagaalamey Muqdisho

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu halkaas uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaal Soomaaliya.

Israsaaseynta ayaa wuxuu ay soctaa isgoyska Ex Control Afgooye gaar aahan meel aan ugu dhow xarunta Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Qof goob jooge ah ayaa yiri “Rasaas culus ayaa ka socoto agagaarka taliska Ciidanka Asluubta, waxaana dadka degaanka ay arkayaan Ciidamo ka wada tirsan dowladda oo dagaalamaya.

Ciidamada dagaalamaya ayaa sheegay inay kala yihiin kuwa ka tirsan Ciidamada Asluubta iyo ciidamada ilaalada ah ee Jidka uu dhismaha ka socdo ee Ex Control Afgooye.

Dagaalka ayaa socdo mudo ka badan 42 daqiiqo, waxaana la maqlayaa rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ay isku adeegsanayaan ciidamada dagaalamayo.