Duulimaadkii Muqdisho Iyo Baraawe Oo Si Toos Ah U Bilowday:- (Sawiro)

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Magaalada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa ka bilowday duulimaad toos ah Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa ayaana bilwday

Diyaarad sidey mas’uuliyiin iyo rakaab ayaa gaartay magaalada xeebta ku taal ee Baraawe iyadoo ay ahayd markii ugu horeysay ee duulimaad toos ah laga bilaabo labada magaalo ee Muqdisho iyo Baraawe.

 

Maamulka Shirkadda Duulimaadyada Diyaaradaha ee Africa Airways ayaa sheegay in duulimaadyada shirkadda ay ka faa’ideysan doonaan ganacsatada,Xujeeyda,Bulshada iyo dadka qurbajoogta ah ee daneeynaya inay tagaan magaalada Baraawe Ee Xarunta Dowlad Goboleedka KoofurGalbeed.

Shacabka ku nool degmada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee maamul goboleedka Koofurgalbeed ayaa soo dhoweeyay duulimaadyadan.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com