Halkan ka Akhriso Qodobadda ay ku Heshiiyeen Farmaajo, Xasan Sheekh & Sheekh Shariif

November 20, 2019 (AO)- Waxaa Hada Soo dhamaaday Kulan qaatay sedax saacadood in ka badan oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Qodobada shirka ka Soo baxay Ee la is ku raacay Waxaa ka Mid ah :

1. In Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo ka garaabay arrimihii ka dhashay safaradii Kismaay iyo Beladweyne.

2. In Doorashada Dalka waqtigeeda ku dhacdo , lagana hishiiyo qaabka Doorashada u dhaceyso 2020-2021 .

3. In La ilaaliyo Xoriyaadka iyo xaquuqda Muwaadinka Soomaaliyeed.

4. In la ilaaliyo Dastuurka iyo Sareynta sharciga .

5. In Arrimaha amniga aan la siyaasadeyn , meelna looga Soo wada jeesto dagaalka lagula jiro Alshabaab. In ciidamada amniga ka shaqeeya sidoo kale ay ku dhexmilmin siyaasada.