Hawlgal Laga Fulyay Dhuusamareeb:- (Sawiro)

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa Ciidammada Amaanka  waxaa ay ka sameeyeen Howlgal lagu Xaqiijinayo Amniga,iyaga oo  Baaritaan ku sameeynaya Gaadiidka iyo Dadka intaba.

Howlgalka ayaa Baabuurta looga fiiqayey Bacda Madow ee ku Dahaaran Muraayadaha Gawaarida, iyada oo Magaalada Dhuusamareeb laga mamnuucay Hubka Sharci darada ah iyo Gaadiidka Muraayadaha Madow.

Taliyaha Ciidanka xasilinta Caasimadda Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Macalin AYAA faah faahinay howlgalka

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi ku daray in taliska Booliska Dhuusamareeb aysan marnaba ogolaan doonin dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata Magaalada.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com