Hoggaamiyihii Hore Ee Dalka Jarmalka Adolf Hitler Hoygii Uu Ku Dhashay  Oo Loo Bedelay Xarun Boliis

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Austria  ayaa sheegay in Guriga uu ku dhashay hoggaamiyihii hore ee dalka Jarmalka Adolf Hitler loo badalay saldhig boolis,sida uu ku dhaqaaqay wasiirka  , ka dib markii sanado badan laga dooday sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo in hoygaasi uu noqdo  goob laga aasaaso xisbiga Naasiga cusub.

Hoygaasi oo la tilmaamay in si qasab ah lagu iibiyay ayaa wararku intaa ku darayaa in lagu sameyn doono qorsho dib loogu qaabeynaayo dhismihiisa waxana , laga dhigi doonaa xafiisyo ay ku howlgalaan booliiska maxalliga ah.

In kasta oo Hitler uu ku dhashay magaalada Braunau ee ku taalla xadka Jarmalka sanadkii 1889, Austria waxay ku dooday in ay aheyd  dhibbanayaashii ugu horreeyay ee la kulma dhibatadii xisbiga Naasiga sanadkii 1938.

 

Adolf Hitler oo talada dalka  Jarmalka haayey sanadihii u dhexeeyay 1933-1945, wuxuu ahaa hoggaamiyaha loo tiriyo in uu bilaabay Dagaalkii Labaad ee Aduunka ,isagoo si gaar ah loogu eedeeyay in uu xasuuq u geystay dad Yuhuud ah oo gaaraya ilaa lix milyan oo ruux.

Austria waxaa in muddo ah saarnaa culeys la xiriiray in ay gacan ku laheyd mamulkii xisbiga Naasiga ee isku dayey in ay qabsadaan caalamka.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com