Maxaa looga hadli doonaa kulanka u dhaxeeya Madasha Xisbiyadda iyo Dowladda

November 20, 2019, (AO) – Warar hada nasoo gaarey ayaa sheegey in kulanka dhexmari doona Madasha Xisbiyadda iyo Dowladda Federaalka ah oo ay kala matalayaan Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif iyo Madaxweynaha talada haya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ajandaha kulanka madaxweynayaasha ee maantay waxaa diiradda lagu soo saari doonaa qodobadan soo socda.

1. Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

2. Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

3. Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

4. Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

5. In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareernarsanaa.

Arrinta ugu muhiiisan ayaa ah in uu meesha ka baxay doorkii uu lahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Xasan Cali kheyre ee ahaa Madax fulinta Dowladda.