Muqdisho oo ka furmay Shir u dhaxeeya  hay’adaha u xilsaaran dastuurka  iyo Beesha Caalamaka:- (Sawiro)

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Saalax Axmed Jaamac  Wasiirka Arrimaha Dastuurka xukuumada fedraalka somaliya ayaa shir gudoomiyay shirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka.

Shirka oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka.

 

Xubnihii mataleyay beesha caalamka ayaa waxay bogaadiyeen waxqabadka hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka iyagoo ballanqaaday inay sii joogteyn doonaan taageerada ay ku bixyaan howlaha lagu dhameeystirayo dastuurka. Waxay sidoo kale sheegeen in ay aaminsan yihiin seddexda hay’ad ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka inay ka miro-dhalin doonaan geedi-socodka lagu dhameeystirayo dastuurka.

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda ayaa dadaal badan ugu jirta sidii ay u soo dhameystiri laheyd Dastuurka KMG ah kaas oo hadda meel wanaagsan maraya.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com