Villa Somalia Oo Maanta Ka Dhici Doona Kulan Xasaasi Ah

November 20, 2019 (Awdinle Online) – Xarunta Madaxtooyada somaliya ayaa lagu wadaa in manta uu ka dhoco kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee  hore  Xasan Sheikh Maxamuud iyo Shariif Sheikh Axmed.

Shirka oo horay loo sii iclaamiyey, kadib dalab ka yimid madaxda dowladda federaalka ayaa lagu madalsanyahay in la isku soo hor fariisto duhuradii Arbacada maanta, sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran.

 

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulankaas uu qeeyb ka noqon doono Ra’iisul Wasaare Khayre, waxaana lagu wadaa in madaxda dowladda federaalku ay raalli gelin ka bixiso falkii dhowaan lagula ka kacay labada madaxweyne oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyo tii ka sii horeysay ee loo geystay Sheikh Shariif xilli uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Abdinuur Mohamed Axmed ayaa xaqiijiyay in maanta uu kulan dhex mari doono Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Kulankaan ayuu sheegay in ajandaha ugu wayn uu yahay arimaha doorashooyinka 2020.

” Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah” ayuu Abdinuur Mohamed.

 

Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa si is daba joog ah ugu eedeeynayay dowladda hadda jirta ay iska idha-tireyso sharuucda dalka iyo ku tagrifal awooddeed, waxaana uu khilaafku sii xoogeystay kaddib markii madashu sheegtay in leysku hortaagay dhawaan safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Beledweyne.

 Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com