Dhageyso :-Maxay tahay sababta Sheekh Soomow uga soo horjeestay Muxaadarada Sheekh Umul ku qabanayo Muqdisho

November 21, 2019 (Awdinle Online) –Sheekh C/qaadir Sheekh Abuukar Soomow oo ka mid ah Wadaadada Dariiqada Suufida ee reer Muqdisho ahna afiyeenka culimada somaliyed ayaa ka soo horjeestay Muxaadaro lagu wado in maalinta berri oo Jimco ah inuu Muqdisho ku qabto Sheekh Maxamed Umul, gaar ahaan garoonka Eng. Yariisow.

Sheekh Soomow ayaa muuqaal uu soo duubay ayaa waxaa uu ku eedeeyay Sheekh Umul in fikirka uu aaminsan yahay ay u dhinteen dad badan oo reer Muqdisho ah, isla markaana horay Culimada Suufida u gaaleysiiyay.

“Umul ma waxa uu bedelay in Suufida ay gaallo yihiin, kama laaban fikirkiisa aaminsan yahay, musiibo ka weyn ka ma jirto qof caqiidada laga galay, ninka sidaas ku dhiira geliyay fikirka Umul qabriyaal ay khawaarijta ku leysay, kuwo badan ayaa agooman ah”ayuu yiri Sheekh Soomow.

Muuqaal laga sii daayay Telefishinka Qaranka ayaa lagu sheegay in Sheekh Umul uu maalinta berri oo jimco ah muxaadaro ka jeedinayo Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Eng. Yariisow.

Dhinaca kale Wasaaradda Dhalinyarada iyo isboortiga ayaa sheegtay in aan lagu soo wargelin Muxaadarada uu Sheekh Umul ku qabanayo Garoonka Eng. Yariisow, isla markaana aanay ku soo wargelin Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Warar Sugan Kala Soco   Awdinle.com